Wararka

Ciyaartoyda kubada cagta ee Galmudug ayaa 2-1 kaga adkaaday kooxda Puntland…


Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta ee Galmudug ayaa galabta 2-1 kaga adkaaday kooxda Puntland, ka dib ciyaar adag oo ka dhacday Garoonka Injineer Yariisow ee Magaalada Muqdisho.

Kumanaan ka mida taageere-yaasha labada dhinac ayaa galabta buux-dhaafshay Garoonka Injineer Yariisow, iyadoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan.

Kooxda Galmudug ayaa waxay ciyaarta kama dambeysta ee koobka kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la ciyaari doontaa ciddii soo badisaa kooxaha Gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed.

Kooxaha Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa kulankooda Semi Final-ka waxa ay berrito ku wada ciyaari doonaan Magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: