Wararka

Deni ayaa ku tilmaamay mudaaharaad shalay Garowe ka dhacay in lagu suurad xumaynayay…


Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Garowe inuu ahaa qorshe siyaasadeed oo lagu suurad xumaynayay amniga Puntland xilli shir weyn lagu qabanayo Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mudaharaadkaas lagu soo beegay xilli ay Garowe imaanayeen madax kala duwan oo ka socotay dowladda federalka iyo siyaasiyiin, kuwaas oo ka qeyb galaya shir ahmiyad weyn xambaarsan oo Garowe loogu doortay amniga ka jira darteed.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in ay tallaabo ka qaadayaan shakhsiyaadka soo abaabulay mudaharaadkaas oo uu sheegay in lagu burburiyay hanti dowladdeed sawir qaldana ka gudbiyay amniga magaalada Garowe.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa soo saaray go’aamo wax looga qabanayo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, isagoo amar ku bixiyay in maamulka 10% uu lacagta shilin Soomaaliga ku qaadi doono canshuurta ilaha dakhliga.

Sidoo kale wuxuu amray shirkadaha isgaarsiinta in lacagaha taleefoonada la iskugu diro lagu jaangooyo in wax ka yar toban dollar aan la isku diri Karin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: