Wararka

Fiqi ayaa sheegay in la aqoonsaday qofkii fuliyay qarixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo…


Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qofkii fuliyay qarixii ismiidaaminta ee Gaalkacyo ka dhacay uu ahaa qof kasoo jeeday degaanada Galmudug.

Hadalkan ayuu wasiir Fiqi ka sheegay dood su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo culimada islamarkaana ku saabsanayd doorka nabada.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in qofkaasi yahay qof la garanayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu macluumaad dheeraad ah kasii bixiyo.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in ay hayaan tiro dad ah oo Ku eedeysan inay lug ku leeyihiin Qaraxii Gaalkacyo ka dhacay.

Shabakada Wararka, hagaag,com info@hagaag.com

About Admin (12915 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: