Wararka

Madaxda DG ayaa loogu baaqay inay bilaabaan diiwaan galinta musharixiinta Aqalka Sare…


Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu baaqay madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka in ay bilaabaan diiwaan galinta musharixiinta ku tartameysa Golaha Aqalka Sare.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa looga codsaday Dowlad Gobolleedyada fududeynta howlaha doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo waqtigeeda timaada.

Guddiga ayaa soo saaray foomka musharixiinta doonaya in ay ka qeybgalaan ama u tartamaa Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada ayaa u dhignaa sidda

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hor taala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: