Wararka

Booliska Nashville ayaa magacaabay qof looga shakisan yahay inuu ka dambeeyey qaraxii…


Booliska oo baaraya gaari xamuul ah oo saddex qof ku dhaawacay magaalada Nashville maalintii ciidda Masiixiga ayaa magacaabay qof laga shakisan yahay ka dib markii DNA laga soo ururiyay goobta.

Saraakiisha gobolka Tennessee ee Mareykanka ayaa sheegay in DNA-da uu yeeshey Anthony Quinn Warner oo 63 jir ah.

FBI-da ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam ah oo ku saabsan tuhmanayaal dheeraad ah inkastoo ay tahay xilli hore in la ogaado haybta dambiileyaasha.

Qaraxa ka dhacay banaanka xafiiska isgaarsiinta ayaa carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale.

Qaraxa ayaa ku dhaawacmay seddex qof.

Intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee Axadii, baarayaasha federaalka waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Warner, oo ka shaqeynayay Technologiyadda, khibrad dheerna u lahaa qalabka elektarooniga, inuu ahaa shaqsiga kaliya ee mas’uulka ka ahaa qaraxa kaasi oo ku dhintay goobta.

anthony warner
Waxay sheegeen in qaraxa loo malaynayo inuu ahaa mid ula kac ah, haraaga goobta laga helayna uu Warner ahaa.

Sida laga soo xigtay diiwaanka dadweynaha, Warner ayaa ilaa goordhow deganaa Antioch, oo ah xaafad ka tirsan Nashville, halkaas oo ay booliisku Sabtidii baaritaan ku sameeyeen.

Deriska ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta maxaliga ah inay arkeen gaari xamuul ah oo goobta yaal.

Mar sii horeysay, CBS News ayaa soo warisay in dheecaanka DNA laga qaaday Warner hooyadiis.

Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee dacwadas Douglas Korneski ayaa goor sii horeysay sheegay in saraakiisha ay heleen ilaa 500 oo talooyin oo laga yaabo inay la xidhiidhaan qaraxa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: