Wararka

Liverpool ayaa barbaro kala kulantay West Brom kulankii ugu dambeeyey ee gurigooda 2020…


Semi Ajayi ayaa dhaliyay goolka barbardhac ah oo uu ka dhaliyay kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Liverpool, isagoo u helay West Brom dhibicdii ugu horeysay tan iyo markii Sam Allardyce uu qabtay shaqada tababarenimo.

Kooxda Jürgen Klopp ayaa u muuqatay inay shan dhibcood ku hogaamin karto kooxda ugu soo dhow ee kala horeynta kadib markii uu Sadio Mane ka faa’iideystay kubad uu ka helay Joel Matip isla markaana dhex dhigay goolka waardiyaha ka ahaa Sam Johnston.

Liverpool ayaa gacanta ku haysay qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin iyada oo aan lagu darin goolal kale, halka qaab ciyaareedka West Bromwich Albion uu soo fiicnaaday qaybtii dambe ee ciyaarta isla markaana ay barbareeyeen daqiiqadii 83aad.

Ajayi ayaa sare u duulay, isagoo ka adkaaday daafaca Liverpool wuxuuna kubad awood leh madaxa kaga dhuftay birta oo kadibna shabaqa ku dhacday.

Goolhayaha West Brom Johnston ayaa difaacay fursad halis aheyd dhamaadkii ciyaarta si uu guusha ugu diido laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino.

West Brom ayaa niyad jabisay Liverpool.
Waxaa jiray dareen qoto dheer oo jahwareer ah oo ka dhexjiray ciyaartoyda Liverpool ka dib markii ay ciyaartu dhamaatay, iyagoo ku lumiyay dhibco garoonka Anfield ee horyaalka markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Sanadka 2020 wuxuu Liverpool u ahaa sanad aad ugu wanaagsan maadaama ay soo gabagabeysay 30 sano oo ay sugeysay hanashada horyaalka, laakiin tani ma ahayn natiijadii ay doonayeen kulankoodii ugu dambeeyay ee gurigooda ka dhaca sannadka 2020.

Kooxda Klopp ayaa xakamaysay qaybtii hore ee ciyaarta, iyaga oo haysta 84% kubada, laakiin waxay awoodi kari waayeen inay kordhiyaan goolasha.

Goolhayaha Liverpool Alison ayaa hor istaagay fursad uu helay Carlan Grant ka hor inta uusan Ajayi dhalin goolka barbaraha.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa yidhi: “Waxay umuuqatay guuldaro, laakiin waxaan dhibic ku darnay dhibcaheena.

Tababaraha West Brom Sam Allardyce ayaa yiri: “Waxaan dhibic ka helnay Liverpool oo uusan qofna aaminsaneyn inaan dhibic ka heli doono.”

Dhinaca kale Kooxda Tottenham ayaa iyaduna la barbareeyey kadib markii ay la kulmeen kooxda Wolverhampton, waxayna ku kala baxeen 1-1.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: