Wararka

Wadada xiriirisa Mogadishu iyo Afgooye ayaa la sheegay in muddo labo toddobaad lagu soo…


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ah la soo gabagebeynayo dayactirka wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Warkan ayuu ka sheegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xalay kormeeray sida uu u socdo dhismaha wadada oo haatan meel geba-gabo ah maraya, wadadaas oo loo dhisayo laba qeybood oo gawaarida ay isku dhaafi karaan.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay, waxaana hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12913 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: