Wararka

Xulka kubada cagta Banaadir ayaa iska xaadiriyey finalka kadib markii uu ka badiyey…


Xulka kubada cagta gobolka Banaadir ayaa galabta iska xaadiriyay finalka tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo haatan maraya heer gabagabo ah.

Xulka gobolka Banaadir ayaa 3-1 uga badiyay xulka kubada cagta Koonfur Galbeed, kadib cayaar xiiso badnayd oo kusoo idlaatay garoonka kubada cagta ee Ingineer yariisow (Ex-koonis Stadium).

Xulka gobolka Banaadir ayay u noqonaysaa markii ugu horaysay oo ay tartankaan gaaraan heerka kama dambeysta ah, waxaana labadii tartan ee hore lagu reebay marxalada ay galabta kasoo gudbeen ee Semifinal-ka.

Banaadir waxay 30-ka bishan ka hortagi doontaa xulka Galmudug oo shalay galab kasoo gudbay kooxdii matalaysay dowlad goboleedka Puntland oo kamid ah kooxaha horey ugu soo guulaystay tartankan saamaynta ku leh koobka.

Tartankan oo soo bilowday sanadkii 2016 ayaa la qabtay saddex goor oo kala ah, 2016, 2017 iyo 2020, labo jeer oo kamid ah waxaa ku kala guulaystay Puntland iyo Jubbaland. hadana wuxuu dhexyaala Galmudug iyo Banaadir.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: