Wararka

Gaari ay la socdeen dad rayid ah ayaa miino kula kacday gobolka Jubbada Hoose oo dad…


Inta la xaqiijiyey ilaa 5 ruux oo rayid ah oo ay ku jirto Hooyo iyo ilmaheedi oo labo bilood jiray ayaa ka dhintay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Dhoobley.

Dadkan ayaa lagu waramayaa in ay Miino la kacday gaari ay la socdeen oo waqtigaa ku sii jeeday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta degmada.

Gaariga ayaa ka baxay deegaanka Qooqaani, waxaana dadka ku dhintay ay ka koobnaayeen saddex Rag ah, Hooyo iyo Ilmo yar oo ay dhashay.

Qaraxyada noocan ah ayaa ku badan guud ahaan marka la eego gayiga Soomaaliya iyadoo waxyeellada ugu badanna ay ka soo gaarto dadka rayidka

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan lagu beegsaday dadka shacabka ah ee waddada ku safrayay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: