Wararka

Jadwalkii doorashada Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey ayaa ku yimid isbedel…


Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal ayaa shaaciyay isbedel uu ku yimid jadwalka doorashada Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka December ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiga oo soo saaray warbixin kooban ayaa la wadaagay Madaxda Dowlad goboleedyada in qabashada codsiyada murashixiinta Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan ayuu guddigu sheegay inuu ku yimid codsi uu guddiga Doorashooyinka usoo jeediyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo codsaday in dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Qoorqoor oo Garowe ku sugan ayaa ku howlan inuu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee dhinaca doorashada, isagoo dhawaan Gaalkacyo kula kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: