Wararka

Maamulaha sare ee Dahabshiil ayaa la sheegay inuu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Britain…


Cabdirashiid Ducaale, maamulaha sare ee shirkadda Dahabshil, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson.

Cabdirashiid Ducaale oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa Ra’iisal wasaaraha Britain ku sifeeyay inuu yahay shakhsi Soomaalida aad u xiisaya islamarkaana aqoon badan u leh arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay kawada hadleen horumarka dhaqaalaha iyo isugu gudubka wadamo badan oo Afrikaan ah iyo UK.

Maamulaha Dahabshiil oo wax laga weydiiyay saameynta ganacsiga uu ku yeelanayo ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub ayaa sheegay in saamayntaasi la dareemi doono bisha koowaad ee sannadka cusub.

Wuxuu sheegay shirkadda Dahabshiil oo ka shaqeysa 120 waddan in uu saamayn aan badnayn ku yeelan doono go’aanka UK, islamarkaana ay isbedeli doonaan sharuuc badan oo horey loogu shaqayn jiray.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: