Wararka

RW Rooble ayaa u magacaabay Maxamed Ibrahim Macalimuu afhayeenka xukuumada…


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah rug cadaa saxaafadeed.

Macalimuu ayaa horay ula soo shaqeeyay Idaacado dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwo heer caalami ah, isaga oo sanadihii ugu danbeeyayna ka mid ahaa ururrada saxaafadda dalka.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay in uu noqdo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisal wasaare Rooble ayaa qeyb ka ah isbadal weyn oo uu ku sameeyay markii ugu horeysay howlwadeennada xafiiskiisa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: