Wararka

Wasiir Beyle ayaa shaaca ka qaaday inuu kala hadlay QM sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen…


Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in aaladda fogaan aragga ay shir ku wada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dar dargelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka iyo inay ka qeyb qaataan qarashka ku baxa doorashada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dalka ay ka go’an tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dowladnimada dalka.

Dowlada Federalka ayaa u muuqata in ay weli gacanta ku hayn dhaqaalaha loogu talogalay qabashada doorashada dadban iyadoo dhowaan ay soo saareen guddiga la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka jadwalka doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: