Wararka

RW Rooble ayaa magacaabay Agaasimaha habmaamuuska xafiiskiisa, waana markii…


Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiiskiisa Maxamed Faarax Sabriye, isagoo ka mid noqonaya Agaasimayaasha ka howlgala Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mas’uulkaan Cusub ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, waxaana magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ay noqoneysaa midii saddexaad uu saameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay Afhayeenka Xukuumadda u magacaabay inuu noqday Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah Wariye Rug-cadaa oo muddo badan kasoo shaqeeyay saxaafada dalka iyo dibadda, isla markaana uu noqdo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa.


Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12907 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: