Wararka

Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa meel mariyey miisaaniyad sanadeedka sanadka 2021ka…


Kulan magaalada Jowhar ay ku yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayey ku meelmariyeen miisaaniyad sanadeedka sanadka 2021ka.

Miisaaniyada waxaa horay u soo ansixiyay Golaha Wasiirradda KMG ee Hirshabeelle, iyadoo markii danbana loo soo gudbiyay Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Xaaji Luqmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa xildhibaannada ka dalbaday in ay u codeeyaan miisaasiyada, iyadoo guud ahaan xildhibaannadii soo xaadiray 71 ka mid ah cod gacan taag ah ku ansixiyeen, Labo mudane ayaa diiday halka mid kalana uu ka aamusay.

Fadhigga maanta ee xildhibaannada Hirshabeelle ayaa noqonaya Kalfadhiggii 1aad kulankiisii 12 aad, waxaana howlahan oo dhan ay imanayaan xili wali khilaaf adag uu ka jiro hannaanka loo maray iyo sharciyada dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: