Aabaha dhalay Boris Johnson ayaa dalbaday dhalashada dalka Fransiiska si uu u ilaashado…

Aabaha dhalay Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa dalbaday dhalashada dalka Fransiiska si uu u ilaashado danahiisa kaga xiran Midowga Yurub maadaama dalkiisu si buuxda uga baxay midowgaasi.
Stanley Johnson oo aabaha Boris ayaa warbaahinta RTL ee dalkaasi Fransiiska u sheegay in sababta ugu weyn ee uu u dalbanayo dhalashada Fransiiska ay tahay sidii uu u xajin lahaa xiriirka qoyskiisa kala dhexeeya Fransiiska iyo tan danahiisa gaarka ah.
”Sida aan aaminsanahay, anigu waxaan ahay Fransiis, sababtoo ah hooyaday Fransiiska ayay ku dhalatay, hooyadeedana Fransiis dhalad ah ayay aheyd, awoowgeedna sidoo kale”, ayuu yiri Stanley Johnson.
Waxa uu intaasi raaciyay in uu waligiis Yurubiyaan ahaan doono, dadka reer UK ay iyana ahaan doonaan.
Britain ayaa bisha Janaayo ee sannadka 2021 si buuxda uga baxeysa daladdii ay qeybta ka aheyd ee Midowga Yurub.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com