Wararka

Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne…


Dibadbax aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne kaasoo si weyn u saameyay inta badan xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay waxaana looga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle.

Banaanbaxayaasha oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada reer Beledweyne ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle sida Hirshabeelle dooni meyno Cali Guudlaawe dooni meyno.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku dayay iney ka hortagaan banaanbaxayaasha balse uma suurta galin iney joojiyaan banaanbaxa.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku muujinayaan banaanbaxa waxaana ka mid ahaa erayada ku qornaa boorarka “waan kasoo horjeedna Hirshabeelle caburinta iyo xasuuqa maamulka Hirshabeelle u geysteen dadka shacabka ee reer Hiiraan, siidaaya Wariyaasha iyo dadka kale ee ururada bulshada rayidka ah”

Gabagabadii banaanbaxayaasha ayaa maanta hortagay xarunta looga arimiyo gobolka Hiiraan iyo sidoo kale Xabsiga dhexe ee Beledweyne oo ah halka ay ku xiran yihiin mudo todobaad ah dad shacab ah oo gaaraya 7 ruux oo lagu eedeeyay qalqal galinta amniga Beledweyne waxayna banaanbayaasha halkaasi ka dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo dadka xirxiran hadii kalana ay wadayaan banaanbaxyada ilaa laga sii daynayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12914 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: