Wararka

Xulka Banaadir ayaa ku guuleystay koobka tartankii ciyaaraha ee dowlad goboleedka…


Tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo tartankan ay ciyaarta kama dambeyska ah ay isugu soo hareen gobolka Banaadir iyo Galmudug iyadoo saacadihii ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 2-2.

Hase yeeshee labada xul oo loo dhigey rigoorayaal ayaa waxaa ku badiyay xulka Banaadir oo dhaliyay 3 gool halka xulka Galmudug aysan gool dhalin. Goolhayaha xulka Banaadir Hanad ayaa qabtay saddex rigoore taasoo ka dhigtay ciyaarta mid ay xulka Banaadir ku guuleysatay.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee maanta la ciyaaray ayaa waxaa labada koox ay muujiyeen dadaal xoog leh iyadoo xulka Banaadir uu ku hormaray goolka hore balse marwalba la barbareynayay.

Labadan xul oo isku guruub ahaa ayaa hore waxa ay ku kala baxeen barbarro 2-2 ah. Waxaana tartankan hore ugu haray xulalkii ka socday dowlad goboledyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: