Britain ayaa si rasmi ah uga baxday xeyndaabka Midowga Yurub kadib markii sidaasi…

Boqortooyada Ingiriiska ayaa xalay si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub, ka dib markii ay shacabka dalkaasi u codeeyeen in UK ay ka boxdo Midowga Yurub 2016,
Habeenimadii xalay waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka, iyadoo sanadka cusub ee 2021-ka uu curtay UK oo banaanka ka joogta xeyndaabka Midowga Yurub .
UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, Maxkamada Yurub, iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn, sidoo kale dadka ka soo jeeday UK ay si xor ah uga shaqeysan jireen Midowga Yurub.
Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arrimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.
UK waxay Midowga Yurub ku biirtay 1 Janaayo 1973.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com