Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaflad dhiirigelin ah u sameeyey ciyaartoyda gobolka…


Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay xaflad dhiirigelin ah u sameeyay ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Kooxda Gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay koobkii kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socday Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay gool kulaad kaga adkaatay kooxda Galmudug.

Ciyaarta oo aad u xamaasad badneyd ayaa qaybtii 1aad lagu kala nastay 1-1, iyadoo qaybtii 2aad leesla dhaafi waayay barbaro 2-2 ah, waxaana leesla aaday rigoore-yaal, iyadoo aan soddonkii daqiiqo ee dheeriga ciyaarta lagu darin, waxaana 3-0 ku badisay kooxda Gobolka Banaadir. Guusha ay gaartay kooxda Gobolka Banaadir waxaa ka caawiyay goolhayahooda, kaasoo saddexdii rigoore ay tuurteen ciyaartoyda Galmudug ka qabtay.

Ciyaartan ayaa noqotay middii loogu daawashada badnaa labaatankii sano ee dib u yegleelidda Dowladnimada Somalia, iyadoo kumanaan taageere-yaal labada dhinac ah ay buuxiyeen Garoonka Injineer Yariisow, halka boqolaal kun oo kalana ay shaashadaha kala socdeen ciyaartaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ciyaarta ka daawanayay telefishinada ayaa kooxda Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.

Madaxweynaha oo samir siinayay kooxda Galmudug ayaa iyana ku boggaadiyay ciyaarta quruxda badan ee ay soo bandhigeen, waxaana uu xusuusiyay, haddii aanay sanadkan guuleysan in kan xigga ay guuleysan doonaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12914 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: