Wararka

Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee CQS ayaa xilka laga qaaday iyadoo mas’uul cusub loo…


Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow oo xilka muddo dheer ku soo shaqeynayay ayaa laga qaaday iyadoo loo magacaabay mas’uul cusub.

Xilka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo magacaabay Maxamuud Axmed Xasan Dalab.

Mas’uulkan xilka loo dhiibay oo ka soo jeeda dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Saacid, isaga oo dhinaca kalana ka soo shaqeeyay hay’addaha kala duwan ee nabadgalyada iyo maxkamadaha dalka.

Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa noqonaya shaqsigii ugu waqtiga dheeraa ee ku soo shaqeeya xilka guddoomiyaha maxkamada Ciidamada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: