Wararka

Injineerada ku howlan dhismaha wadada isku xirta Mogadishu iyo Afgooye ayaa lala eegtay…


Qarax ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole oo la sheegayo in lala eegtay Injineerrada ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo la sheegay in ciidamadu ka shakiyeen kadibna rasaas ku fureen taasoo keentay in uu goobtu ku qarxo, waxaana ku dhintay ayaa la leeyahay hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray Injineerrada ku howlan dhismaha wadadan oo dhowr jeer oo hore la bartilmaameedsaday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: