Wararka

Laamaha Ammaanka Jubbaland ayaa lagu amray inay si degdeg ah u soo qabtaan kuwii dilay…


Laamaha ammaanka ee Jubbaland ayaa lagu amray in ay si deg deg ahi uga hawlgalaan, gacantana ku soo dhigaan kuwii dilay Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur.

Xildhibaanka ayaa xalay ku dhintay qarax loogu xiray gaari nooca raaxada oo uu lahaa, iyadoona uu qaraxaasi ku haleelay xilli uu maraayay xaafadda Farjano.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa laamaha ammaanka ku amray inay gacanta ku soo dhigaan kuwii falkaasi ka mas’uulka ahaa.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno dembiileyaasha.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Xildhibaankaasi, oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12913 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: