Wararka

Mahdi Guulleed ayaa kulan kula qaatay magaalada Garowe Xasan Cali Kheyre oo ay horey…


Magaalada Garoowe waxaa ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin madaxdii ka qeybgashay Madashii Aragti -Wadaag oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka cilmi baarista Heritage.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay madasha ayaa xalay kulan la qaatay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo ay soo wadashaqeeyeen.

Labada mas’uul oo waayadii ugu danbeeyay ku kala maqnaa aragti siyaasaddeed oo midba uu daraf ka istaaggay, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah gaar ahaan marxalada doorasho ee uu dalku galay.

Mahdi Guulleed oo hadda ah Ra’iisal Wasaare ku–xigeenka dalka ayaa sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku-xigeen u soo ahaa Xassan Cali Kheyre ka hor inta uusan Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala noqon Xukuumaddii uu hoggaaminayay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: