Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobo qof u soo qabtay weerarkii lagu dilay saraakiisha…


Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobo qof u soo qabtay weerarkii ka dhacay Gobolka Galgaduud ee lagu dilay lix ka mida Saraakiisha Militariga.

Weerarkan ayaa 9-kii bishii December ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Guriceel iyo Balanballe, gaar ahaan deegaan hoos-tagga Degmada Balanballe.

Saraakiishan oo ka tirsanaa Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilligii la dilaayay waxaa ay ka baxeen Guriceel, iyagoona ku sii jeeday Balanballe.

Dadka la soo qabtay ayaa ku eedeysan dilka Saraakiishaasi, iyadoo qaarkood laga soo qabtay guri ay ku dhuumaaleysanayeen oo gobolkaasi ku yaala, halka qaarka kalana lagala degay gaadiid ay ku safrayeen.

Saraakiishii hoggaamineysay hawlgalada dadkaasi lagu soo qabqabtay ayaa laga soo xigtay in raggan la horgayn doono sharciga, cadaaladana la marsiin doono.

Tani waxay ka dambeysay markii Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Maxamed Tahliil Biixi oo maalmahaanba ku sugnaa Gobolka Galgaduud uu amray in la dardargeliyo hawlgalada lagu baadigoobayo kuwii falkaasi ka dambeeyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: