Wararka

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka digay halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris…


Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris ah oo ay Dowladda Federalku la galayso shirkaddo shisheeye.

Murashaxiinta waxay sheegeen in wasaaradda Macdanta iyo Batroolka oo dowladda wakiil u ah ay dhawaan heshiis shidaal baaris ah la galayso shirakaddo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Shirkadahaas oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline ayay murashaxiinta sheegeen inay damacsan yihiin in loo saxiixo heshiis shidaal baaris oo halis ku ah kheyraadka ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed.

Waxay ku sheegeen heshiisyada qarsoodiga ah in ay baalmarsan yihiin dhammaan sharciyada iyo xeerarka kheyraadka dabiiciga ah ee DFS ee laga meel mariyey Baarlamaanka Somalia.

Waxay kaloo sheegeen in waqti xileedka Dowlada Federaalka uu ka harsan yahay 38 maalmood taasoo keeneysa mad-madow xooggan.

Waxay Madaxda Baarlamaanka, Ra’iisal Wasaaraha, xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka ka codsadeen in xisaabtan iyo dabgal iyo baaritaan ku sameeyaan mas’uuliyiinta ku howlan heshiiskan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12915 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: