Wararka

Maxamed Nuur Buule ayaa sheegay in Axmed Madoobe Kenya heshiis la galay oo ku saabsan…


Wasiirkii hore Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland ahaana Xildhibaan katirsan Jubbaland, Maxamed Nuur Buule, ayaa sheegay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe inuu Kenya la galay heshiis qabyo ah oo ku saabsan in Jubbaland ay tahay gobol kamid ah Kenya.

Maxamed Nuur Buule wuxuu sheegay xilligii uu katirsanaa Jubbaland in madaxweyne Axmed Madoobe uu iskugu yeeray xubno uu isagu kamid ahaa, isagoo u gudbiyay qorshe ah in Jubbaland ku biirayso Kenya.

“Aniga, labada madaxweyne ku xigeen iyo labo wasiir ah ayuu Axmed Madoobe inoo yeeray xilli subax ah, wuxuu nagu yiri, nimanyahow aan kasii jeesano Soomaaliya oo aan usii jeesano Kenya oo ku darsano. Inta uusan hadalka dhamayn ayaan kacay, waxaana ku iri, Axmedow, anaguna waxaan raadinayay siidi loosoo celin lahaa kililka north east, adigana waxaad na leedahay aan Kenya raacno, wuxuu igu yiri, adigoo nool inay janno nolasha kuugu timaadaan rabaye ee macsalaama waxba laguma fahansiin karee, fadhigiina waa nooga ka kacay” ayuu yiri xildhibaanka.

Maxamed Nuur Buule, wuxuu ku eedeeyay Axmed Madoobe in aan waxba laga weydiin karin maamulkiisa islamarkaana sababta uu Dowladda Federalka u khilaafsan yahay in ay tahay danaha kala dhexeeya Kenya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: