Wararka

Qiimaha lacagta dijitaalka ee Bitcoin ayaa ka gudubtay $34,000 markii ugu horreysay intii ay…


Qiimaha lacagta dhijitaalka ah ee ‘Bitcoin’ ayaa ka sare martay heerka $34,000 halkii Bitcoin markii ugu horreysay, iyadoo la tixgelinayo xiisaha sii kordhaya ee ganacsatada iyo maal-gashadayaasha oo rumeysan inay noqon doonto habka ugu badan ee bixinta.

Qiimaha lacagtan ‘cryptocurrency’ ee ugu caansan adduunka ayaa lagu kala iibsaday 34,180 dollar, inta lagu guda jiray ganacsiga maanta oo Axad ah, iyadoo inta badan suuqyada kale ay xiran yihiin inta lagu guda jiro fasaxa usbuuca ee ugu horreeya sanadka cusub.

Bitcoin ayaa kor u kacday in ka badan 300% sanadkii la soo dhaafay, iyo 50% tan iyo markii ay ka gudubtay caqabadda $20,000, markii ugu horreysay laba toddobaad ka hor.

Toddobaadyo ka hor, waxay jabisay caqabadda $20,000 markii ugu horreysay taariikhda lacagtan dijitaalka ah. Sannadkii la soo dhaafay, lacagta Bitcoin ayaa kor u kacday qiimaha 4 jeer wixii ay ahayd, oo ay taageerayaan tiro badan oo maalgashadeyaal ah oo doonaya inay ka soo saaraan faa’iido dhakhso leh.

Bitcoin waxay u ganacsataa si la mid ah lacagaha dhabta ah sida Doolarka Mareykanka iyo Pound-ka Ingiriiska. Lacagtani dijitaalka ahi waxay helaysaa taageero sii kordheysa oo ah habka lacag-bixinta ee internetka.

Paypal ayaa ah Mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee ganacsiga internetka ee u adeegsada lacagaha dijitaalka habka lacag bixinta.

Lacagta dijitaalka ahi ma laha lambar taxane ah mana ku xirna xakamaynta dawladaha iyo bangiyada dhexe sida lacaga dhaqameedka, laakiin waxaa kaliya lagula macaamilaa internetka iyada oo aan jirin qof dhab ah oo aad la macaamileysid.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: