Wararka

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa safar deg deg ah ku taggay xerada Ballidoogle oo fariisin u…


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar deg deg ah ku taggay xerada Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaa oo fariisin u ah ciidamada Mareykanka.

Ra’iisal Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumaddiisa isaga oo halkaa u kuurgalaya xaalada ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB ee ku sugan fariisinka ku leh xerada.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisal Wasaaruhu kulamo kala duwan la qaato saraakiisha ciidamada Mareykanka ee tababarka siinaya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka.

Waxa kaloo Ra’iisal Wasaaruhu qiimeyn doonaae xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa imaneysa xilli Mareykanka uu qorsheynayo in maalmaha soo socda ciidamadiisa uu kala baxo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: