Wararka

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii fuliyey weerarkii Manda Bay ee Kenya…


Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo ku saabsan weerarkii ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya.

Muuqaalkan ayaa lagu soo beegay sanad kadib weerarkaas, waxaana ka soo muuqanaya shan dagaalame oo weerarkaas fuliyay, iyadoo muuqaalka uu ka hadlayay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarkaas fuliyay ayaa saddex ka mid ah waxay u kala dhasheen dalalka Yemen, Itoobiya iyo Tanzania, halka labada kale ay ahaayeen Soomaali ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.

Magacyada ragga weerarka fuliyay:-

Abubakar Al-Muhajir, wuxuu u dhashay dalka Tanzania.

Cali Maxamed Cali, waa Itoobiyaan kasoo jeeda Qabiilka Burj, wuxuuse ku dhashay, kuna barbaaray magaalada Nairobi.

Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) wuxuu kasoo jeedaa Gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna ahaa taliye ku xigeenkii kooxda weerarka fulisay.

Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari) wuxuu kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.

Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir) hoggaamiyihii kooxda oo u dhashay dalka Yemen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: