Dowladda Britain ayaa u soo magacawday safiir cusub dalka Somalia taasoo noqoneysa…
Dowladda Britain ayaa badashay safiirkeedii Soomaaliya Amb. Ben Fender iyadoo soo magacawday safiir cusub oo noqoneysa haweeney lagu magacaabo Kate Foster
Safiirkan cusub Kate Foster ayaa lagu waddaa in ay si rasmi ah xafiiska ula wareegto bisha Febraayo ee sanadkan.
Amb. Ben Fender ayaa dalkiisa ku matalayay Somalia ku dhowaad muddo labo sano ah.
Dowladda Britain ayaa safiirkeedan cusub waxaa ay noqoneysaa haweeneydii labaad oo safiir uga noqonta Soomaaliya laga soo bilaabo tan iyo 2012.
Britain waxaa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya sidoo kale waxay saameyn weyn ku leedahay siyaasadda dalka.
Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com