Wararka

Sacuudi Carabiya ayaa fureysa xadka hawada, dhulka iyo badda ee ay la wadaagto Qatar…


Sacuudi Carabiya ayaa waxay dib u furi doontaa hawadeeda iyo soohdinta dhulka iyo badda ee ay la wadaagto Qatar laga bilaabo caawo oo Isniin ah, Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwait ayaa yiri, isagoo tixraacaya heshiis lagu xallinayo khilaaf siyaasadeed oo horseeday in Riyadh iyo xulafadeeda ay cilaaqaadka u jaraan dalka Qatar.

Sida ku xusanaa dalabkii amiirka Kuwait Sheikh Nawaf, waxaa lagu heshiiyey in la furo soohdimaha cirka, dhulka iyo badda ee u dhaxeeyey Sacuudiga iyo Qatar laga bilaabo caawa, sidaasi waxaa TV-ga u sheegay Wasiirka Arimaha Dibada ee Kuwait Ahmad Nasser Al-Sabah.

Bishii Juun 2017, waddammada wax go’doomiyay sida Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa waxay Qatar ku eedeeyeen inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran sidaasina ay uga jareen xiriirkii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale ku soo rogeen xayiraad dhinaca dhulka, badda iyo cirkaba dalka Qatar.

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin “cudurdaar sharci ah” oo ku saabsan xiriirka loo jaray.

Kuwait ayaa waxay dhexdhexaadin ka dhex waday Qatar iyo afarta dal ee carbeed.

Bishii la soo dhaafay, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa sheegay in amiirka Qatar lagu casuumay kulanka shir madaxeedka ururka oo ka dhacaya Sacuudi Carabiya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu bogsiinayo khilaafka.

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani wuxuu ka qeyb geli doonaa shir madaxeedka 41-aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) oo ka dhacaya dalka Sacuudiga magaalada Al Ula ee dalxiiska loo tago Talaadada.

Sheikh Tamim wuxuu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga Salmaan.

Hadal ay soo saartay wakaaladda wararka ee ay maamusho dowladda Sucuudiga maalintii Isniinta, amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in shirka GCC uu noqon doono mid “loo dhan yahay”, isagoo u horseedaya dowladaha “mideynta iyo midnimada sidii loo wajihi lahaa caqabadaha ka jira gobolkeena”.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: