Wararka

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Sacuudiga…


Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka degey Boqortooyada Sacudi Carabiya iyadoo uu garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay amiirka leh dhaxaltoyada Sacudi Carabiya Mohammed bin Salman.

Bin Salman ayaa laabta geliyay Sheikh Tamim oo u tegey Sacudi Carabiya inuu ka qeybgalo Shirweynaha Madaxda wadamada Khaliijka.

Shirweynahan ayaa lagu wada in lagu soo afjaro khilaafka ka dhexeeya Boqortoyada Sacudi Carabiya iyo dalka Qatar.

Sacudi Carabiya ayaa shalay ku dhowaaqday inay dib u fureyso xadka dhulka, badda iyo hawada ee ay la wadaagto dalka Qatar kadib saddex sano iyo bar oo ay xirnaayeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: