Wararka

Askari ayaa madaxa ka toogtay qof rayid ah kadib markii uu weydiistay lacag uu qaad ku…


Wiil magaciisa loo soo gaabiyay Dhurre ayaa waxaa madaxa ka toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya xili uu ku sugnaa deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida laga soo xigtay dad goob joog u ahaa dhacdadan.

Goobjoogayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in askariga iyo marxuumka ay ku murmeen lacag uu askarigu weydiisatay marxuumka oo ka mid ahaa dadka ku xamaasha mootada nooca loo yaqaan Fekonta oo siweyn looga adeegsado deegaanka.

”Wuxuu weydiistay lacag uu Qaad ku iibsado, laakiin wuu ka cudurdaartay in uu siiyo, kadibna askarigu wuxuu bilaabay in uu qasbo marxuumka taasoo is jiidjiid kadib keentay in uu madaxa ka toogto” ayuu yiri qof ku suganaa deegaanka Golweyn oo la hadlay warbaahinta

Dhacdadan ayaa waxaa siweyn uga xumaaday dadka deegaanka oo sheegay in wax lala yaabo aheyd sababta loo dilay ninkaa dhalinyarrada ahaa.

Ciidamada dowladda ayaa marar badan oo hore siddan oo kale dad shacab ah ugu dilay qeybo kala duwan oo dalka kuwaa oo qaarkood loo dilay sababo aan macquul aheyn.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda ayaa dhowr jeer oo hore arrintan uga digtay ciidamada, hase ahaatee waxaa muuqata in dilalku wali halkoodii ka sii socdaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12859 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: