Wararka

James Swan ayaa Cali Guudlaawe kala hadlay muhimada in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka…


Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaailya James Swan oo khadka Aalada Zoomka kula hadlay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay muhimada wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka taaggan Hirshabeelle.

Sidoo kale James Swan ayaa arrintan kala hadlay Wasiirka Wasaarradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Jen Mukhtaar Xuseen Afrax waxaa uu carabka ku adkeeyay Swan muhiimada wada hadal dhaxmara dhammaan daneeyayaasha si loo helo dib u heshiisiin Hirshabeelle dhaxdeeda ah

Dhinaca Qaramada Midoobey ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin taageerro kasta oo lagu bixinayo dadaallada dib-u-heshiisiineed si loo soo afjaro khilaafka ka taaggan dhismaha Hirshabeelle.

Arrintan ayaa imaneyso xili magaalada Beledweyne ay wali ka jrto xiisad ka dhalatay hannaanka loo maray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle, taasoo keentay in uu meesha ka baxo safar uu Beledweyne ku tegi lahaa madaxweyne Cali Guudllaawe,

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: