Wararka

Liverpool ayaa guuldaro lama filaan ah ku qabsatay guriga Southampton kadib markii 1-0…


Liverpool ayaa la kulantay guuldaro lama filaan ah waxayna ku dhacday afka kooxda martida loo ahaa ee Southampton fiidnimadii Isniinta ee wareega 17aad ee Premier League.

Danny Ings ayaa dhaliyay goolka guusha ee Southampton kaliya markii labo daqiiqo ay socotay ciyaarta.

Dhibcaha Liverpool ayaa ku joogsaday 33 dhibcood oo hogaanka kala horeynta ay kula wadaagto Manchester United, halka Manchester United gacanta ku heysato hal kulan, haddii ay guuleysatana ay keli ku noqon doonto hogaanka kala horeynta.

Dhinaca kale, Southampton ayaa sare u qaaday dhibcaheeda iyadoo ka dhigtay 29 dhibcood oo soo fariisatay kaalinta lixaad.

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii labaad xilli ciyaareedkan iyadoo gaartay 9 guul iyo 6 barbaro, halka Southampton ay heshay guusheedii sideedaad, 5 barbaro iyo 4 guuldarro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: