Wararka

Mahdi Guulled iyo James Swan ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka…


Ra’iiisal Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guulleed Khadar iyo wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey James Swan oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

James Swan ayaa maalmihii ugu danbeeyayba wadday kulamo gooni gooni ah oo uu la lahaa hoggaamiyayaasha Soomaalida oo ay khuseyso doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa dhowr jeer waxaa uu ugu baaqay saamileyda siyaasadeed ee dalka inay xal ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.

Wali waxaa taaggan khilaaf u dhaxeeya Villa Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda dowlad gobollleedyada dalka iyo musharixiinta mucaaradka kaasoo la xiriira sida ay dowladdu u maamuleyso doorashada oo loo arko mid hal dhinac u daneynaya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: