Wararka

Maxkamad ku taal dalka Ingriiska ayaa diiday dalab Julian Assange loogu gacan gelin lahaa…


Maxkamad ku taal dalka Ingriiska ayaa laashay codsi uga yimid Mareykanka kaas oo ay ku doonayeen in loo gacan-geliyo aas-aasaha website-ka sirta faafiya ee Wikileaks Julian Assange.

Go’aanka maxkamadda ayaa soo baxay shalay oo Isniin aheyd kadib isbuucyo ay socotay dacwadda ah in Assange loo dhiibo Mareykanka.

Mareykanka ayaa Julian Assange ku haysta dambiyo la xiriira basaasnimo iyo in uu ka xaday wasaaradda difaaca dalkaasi xogo sir ah oo la xiriira dagaalka Mareykanku ka wado waddamada Ciraaq iyo Afghanistan dabadeedna uu kusoo daabacay website-kiisa Wikileaks.

Assange ayaa magangelyo siyaasadeed u galay sannadkii 2012-ka safaaradda Ecuador ku leedahay dalka Ingriiska ee magaalada London halkaas oo uu ku jiray ilaa laga soo eryo horraantii sannadkii 2019-kii.

Tan iyo sannadkii 2019 waxaa uu ku jiray xabsi si weyn loo ilaaliyo kaas oo ku yaal dalka Ingriiska.

Mareykanka ayaa racfaan ka qaatay diidmada maxkamadda, waxaana haddii loo gacangeliyo uu muteysanayaa karaa xarig dhan 175 sano ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: