Wararka

AUN Wariyihii caanka ahaa Axmed Cabdinuur ayaa London ugu geeriyooday cudurka…


Waxaa la sheegay in magaalada London uu cudurka Covid 19 ugu geeriyooday wariyihii caanka ahaa Axmed Cabdinuur..

Warka ku saabsan geerida wariyaha waxaa warbaahinta u xaqiijisay xaaskiisa oo sheegtay in uu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Geerida Axmed Cabdinuur ayaa siweyn u saameysay bahda warfaafinta guud ahaan waxaana uu ahaa shaqsi codkiisa siweyn u garanayaan inta badan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo dhinaca kalana ahaa rug cadaa muddo dheer saxaafadda ku soo jiray.

Waxaa si weyn loogu xasuustaa Barmaajikii cayaaraha ee ka bixin jiray BBC da iyo waliba sidoo kale wararka isaga oo ka mid ahaa wariyayaasha ugu codka wanaagsan marka la eego dhinaca warbaahinta

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: