Wararka

Qoorqoor iyo Farmaajo oo ka wada hadlay khilaafka ka taaggan doorashada dalka…


Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay ka wada hadleen khilaafka wali ka taaggan qabsoomida doorashada dalka.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa toddobadyadii ugu danbeeyayba u muuqda in uu isku soo dhaweynayo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee diidan doorashada gaar ahaan madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

Ilo xog ogaal ah oo kulanka ku dhaw ayaa sheegay in leyskula soo qaaday arrinta Gedo oo ah caqabada ugu weyn ee hor taaggan doorashada, waxaana lagu ballamay ayey wararku sheegayaan in Axmed Madoobe lagu qanciyo ka qeybgalka hannaanka doorashada iyadoo la xalinayo arrinta gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey kulan kan la mid ah waxaa uu ula qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay isla soo qaadeen in Koonfur Galbeed bilowdo doorashada xubnaha Aqalka sare, waxaana isla maalintii shalay gaaray magaalada Baydhabo xubno ka tirsan guddiga doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12775 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: