Wararka

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa qarka u saaran inuu la wareego maamulka Aqalka Senate-ka…


Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa qarka u saaran in uu la wareego maamulka Senate-ka iyadoo natiijada kuraastii ugu dambeysay goor dhow la filayo in si rasmi ah loogu dhowaaqo gobolka Georgia

Raphael Warnock oo ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Atlanta ayaa la sheegay inuu ku guuleystey mid kamid ah labada kursi halka kursiga kalana uu ku horeeyo xildhibaanka xisbiga Dimuqraadiga ee Jon Ossoff.

Sidoo kale Jon Ossoff oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa ku dhawaaqay inuu ka guuleystay Senator-kii kula tartamayey Georgia.

Haddii labada kursi uu xisbiga Dimuqradiga ku guuleysto waxa ay u sahlanaan doontaa Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Biden meel marinta sharciyada.

Balse xisbiga Jamhuuriga ayaa u baahan inuu sii haysto awooda senate-ka inuu ku guuleysto hal kursi oo kaliya. Doorashadan oo mid lagu celiyay aheyd ayaa sabab u ah nidaamka gobolka Georgia waxaa waajib ka dhigaya in mudanaha uu ku guuleysto in ka badan boqolkiiba konton.

Mr Warnock ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo madow ah oo abid laga soo doorto gobolka Georgia, oo ah gobol addoonsigii dadka caan ku ahaa, waana mudanihii 11aad ee Madow ah taarikhda dalka Maraykanka.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12915 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: