Wararka

Al-Shabaab ayaa weerar saf ballaaran ah ku qaaday degmada Afgooye, iyadoo aan la ogeyn…


Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah ku qaadeen degmada Afgooye.

Sida dad goobjoogayaal ah warbaahinta u sheegeen xoogagga Ururka Al-Shabaab weerar ilaa saddex jiho ah ku soo qaadeen gudaha degmada iyadoo halkaa uu iska horimaad culus ku dhaxmaray xoogagga weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degmada Afgooye iyo wax war ah oo ka soo baxay laamaha nabad-galyada..

Xaaladda ayaa degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan Ciidamada Xoogga Dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Afgooye iyo duleedka.

Afgooye ayaa u muuqata bartilmaameedka Al-Shabaab ee weerarrada gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale weerarro is xig xigay ku qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ee degmada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12802 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: