Wararka

Golaha Congres-ka Mareykanka ayaa fadhi wadajir ah ku ansixiyey guusha Joe Biden…


Golaha Congress-ka Mareykanka, ayaa fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole, ayuu saaka ku ansixiyay guusha Joe Biden ee madaxtinimada Mareykanka. Kalfadhiga ayaa istaagay fiidnimadii shalay saacado Sababo la xiriira taageerayaasha madaxweyne Donald Trump oo xoog ku galay Aqalka Congress-ka.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Congress-ku uu ansixiyay natiijooyinka codadka Electoral college ee doorashada. Tani waxay gogol xaar u tahay in Biden uu la wareego xilka madaxweynaha 20-ka Janaayo.

Inta badan xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyay subaxnimadii maanta, Khamiista oo tuuray diidmada xulafada Madaxweyne Donald Trump.

Diidmada Aqalka Wakiilada ayaa timid laba saacadood ka dib markii Guurtidu ay u codeeyeen oo iyaguna diideen.

Taliyaha Waaxda Booliiska Magaalada Caasimada, Robert Conte, ayaa sheegay in 4 qof ay ku dhinteen Congress-ka, maalintii Arbacada, iyo in la xiray 52 qof kadib markii taageerayaasha madaxweynaha xilka ka degaya ee Donald Trump ay weerareen dhismaha Congress-ka iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan xaqiijinta guusha madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo aqlabiyadda aqalka Senate-ka ay diideen mucaaradada xildhibaannada Jamhuuriga guushii Biden ee doorashadii madaxweynenimada Arizona, kadib codbixintii dhacday dabayaaqadii habeenkii Arbacada, saacado ka dib markii taageerayaasha madaxweynaha xilka ka degaya ay weerareen Capitol.

Codeynta ayaa noqotay 93 ilaa 6, xubnaha Aqalka waxay ka codeeyeen mucaaradka, natiijada doorashada ee Arizona.

Intaa kadib, Goleyaasha Congress-ka waxay ku kulmeen fadhi wada jir ah oo uu shir-guddoominayey Mike Pence, Madaxweyne Ku-Xigeenka, si loo dhammaystiro hannaanka oggolaanshaha ee natiijooyinka doorashada madaxweynenimada ee la soo ururiyey waxay bilaabeen inay dib u eegaan natiijooyinka gobollada kala duwan si loo ansixiyo, waxayna sidoo kale dib u eegeen qaar ka mid ah diidmada natiijooyinka gobollada kale, sida Pennsylvania.

Senate-ka ayaa diiday soo jeedinta mucaaradka ee natiijooyinka doorashada Pennsylvania oo ay ku codeeyeen 92 cod halka uu isna helay 7 cod.

Golaha Senate-ka gudihiisa ayaa Pence ku cambaareeyay “ficilada rabshadaha” ee uu la kulmay Congress-ku, wuxuuna muujiyay inuu ka xun yahay “maalintan madow”.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: