Wararka

Golaha Wasiiradda Somalia ayaa dib u celiyey 12 safiir oo lagu waday in la ansixiyo…


Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warar ka soo baxay shirka ayaa sheegaya in sababta loo qaadacay ansixinta safiiraddan oo aan la sheegin mid walba dalka loo magacaabay tahay dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo sheegay in habka magacaabistan aan lagu saleyn saami-qeybsiga beelaha oo isku dheelitiran, islarmarkaana yihiin safiirro hal dhinac u badan.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa la sheegay in markii danbe uu dib u celiyay safiiradan madaama ay dood ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12810 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: