Wararka

Lammaanaha caanka ah ee Kanye West iyo Kim Kardashian ayaa la sheegay in ay kala Tagayaan…


Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka lammaanaha caanka ah ee Kim Kardashian (40-jir) iyo Kanye West (43-jir) ayaa kala tagaya kadib muddo uu xiriirkooda qoyseed uu xumaa.

Lammaanahan ayaa haysta 4 carruur ah waxaa ay isqabeen 6 sano.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kim Kardashian ay dalbatay warqadaha furriinka, iyadoona xiriir la sameysay qareenka arrimaha furriinka ku dheereeya ee Laura Wasser.

Arrintan ayaa timid kadib isku-dayo dhowr ah oo ay sameeyeen lammaanahan kuwaas oo ay ku bad-baadinayaan qoyskooda balse ay wax ka soo naasa-caddaan waayeen.

Marka laga reebo warbaahinta, lammaanahan ayaana dhankooda laga xaqiijin jiritaanka warkan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: