Wararka

Manchester City ayaa wadata safarkeeda ay ku difaacan laheyd koobka English League Cup…


Manchester City ayaa halkeedii kasii wadata safarkeeda ay ku difaacanaysay koobka English League Cup, waxayna kooxdu u soo baxday finalka tartanka kadib markii ay guul qaali ah oo 2-0 ah ka gaartay kooxda ay jaarka yihiin ee ay xafiiltamaan ee Manchester United Arbacadii semi-finalka tartanka.

City ayaa guul ka gaartay kooxda ay martida u ahayd ee Man United kulan ka dhacay magaalada Manchester iyaga oo dhaliyay labo gool oo nadiif ah, waxayna finalka isku arki doonaan kooxda Tottenham, oo 2-0 kaga badisay Brentford Talaadadii.

Manchester City waxay hal talaabo u jirtaa inay difaacato horyaalka isla markaana ay barbareyso rikoorka ugu badan ee inta jeer ee lagu guuleysato horyaalnimada English League Cup, taasoo Liverpool ay ku hogaamineyso 8 horyaal marka loo barbardhigo 7 Manchester City, halka min 5 horyaal Manchester United, Chelsea iyo Aston Villa heystaan, iyo min 4 horyaal Tottenham iyo Nottingham Forest.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah, kadib daafaca reer England John Stones ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 50aad, halka ciyaaryahanka reer Brazil Fernandinho uu dhaliyay goolka labaad ee kooxda daqiiqadii 83aad si uu City ugu hogaamiyo finalka loo qorsheeyay garoonka caanka ah ee Wembley Stadium ee magaalada London 25ka April.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: