Wararka

Taageerayaasha Trump ayaa shalay muddo kooban la wareegay xarunta Congress-ka ee…


Kumanaan ka mida taageere-yaasha Madaxweyne Donald Trump ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii muddo kooban la wareegay Xarunta Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill ee Magaalada Washington.

Taageere-yaasha Madaxweyne Trump ayaa xoog kaga gudbay biro, dhegxaan iyo ciidamada amniga ee ilaaliya dhismaha Capitol Hill, iyagoo markaasi dalbanaya in la laalo natiijada doorashadii 3-dii bishii November ka dhacday dalkaasi.

Ciidamo gurmad ah oo goobtaasi gaaray ayaa waxay isku dhaceen taageere-yaashii dhismahaasi la wareegay.

Haweeney ayaa la sheegay in toogasho lagu dhaawacay, markii dambena ay dhaawacaasi u geeriyootay.

Madaxweyne Trump oo taageere-yaashiisa la hadlay ayaa ugu baaqay inay guryahooda dib ugu laabtaan. Ciidamada ammaanka ayaana dib ula wareegay gacan ku haynta xaruntaasi.

Taageere-yaasha Trump ayaa lagu eedeeyay in burbur ay ka gaysteen dhismahaasi, muddadii ay haysteen.

Joe Biden, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa weerarkaasi ku sheegay kacdoon ka dhan ah dowladnimada Mareykanka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadaasi Capitol Hill, iyadoo uu Donald Trump ku eedeeyay mid ka mas’uul ah weerarkaasi, isla-markaana ay tani ceeb u soo jiidday Mareykanka.

Xubno ka tirsan Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga ayaa sidoo kale cambaareeyay falkaasi.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid aan horey Mareykanka loogu aqoonin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la tixgeliyo hannaanka dimoqraadiyadeed.

Taageere-yaasha Trump ayaa weerarkan ku soo beegay, xilli Aqalka Senate-ka uu u fadhiyay ansixinta guushii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka.

Waa markii ugu horeysay shacab careysan ay gudaha u galaan xaruntaasi, inta ay taariikhda qoreyso.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12915 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: