Wararka

Trump ayaa laga hakiyey isticmaalka Twitter iyo Facebook, kadib markii uu qoraal u qoray…


Donald Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka Twitter-ka iyo Facebook kadib markii uu qoraal u soo qoray taageerayaashiisa weeraray dhismaha US Capitol.

Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu dibadbaxayaasha wuxuu ku yiri “Waan idiin jeclahay” kahor inta uusan ugu baaqin inay guryahooda aadaan. Wuxuu sidoo kale ku celceliyay sheegashooyin beenta ah oo ku saabsan in lagu shubtay doorashada.

Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda.

Shikradda ayaa sheegtay in akoonka madaxweynaha uu sii xirnaan doono haddii aanan laga tirin qoraalladaas.

Waxay sidoo kale shirkaddu sheegtay in haddii mar kale meel looga dhaco shuruucda Twitter-ka… ay taasi sababi doonto in gebi ahaanba la xannibo akoonka @realDonaldTrump”.

Waxay tan ka dhigan tahay inay soo dhammaanayaan maalmaha Donald Trump ee isticmaalka Twitter-ka. Madaxweynaha laguma yaqaanno inuu dheg u dhigo shuruucda Twitter-ka.

Dhanka kale, Facebook ayaa muddo 24 saacadood ah xanibay akoonka Mr Trump. YouTube ayaa sidoo kale tiray muuqaalka.

Facebook ayaa yiri: “Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda.”

Taageerayaashiisa ayaa galay xarunta Kongareeska waxayna isku dhaceen booliiska, taas oo sababtay dhimashada afar qof.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: