Wararka

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarax ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka…


Ururka Al Shabaab ayaa goor dambe sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo Khamiistii ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Qaraxa ayaa haleelay mid ka mida gaadiidkaasi oo ay la socdeen ciidan ka tirsan kuwa Asluubta, balse aanu haleelin midkii uu Taliyuhu la socday.

Shabaabka ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in bartilmaameedkooda uu si dirqi ah uga badbaaday General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Asluubta, Cabdiqani Maxamed Khalaf ayaa xaqiijiyay in gaadiidka la weeraray uu la socday Taliyaha Ciidanka Asluubta, isla-markaana uu ka badbaaday weerarkaasi.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa xusay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba askari iyo qof shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen afar askari iyo dad rayid ah oo xilligaa wadada maraayay.

Habeenkii Talaadada ayay ahayd markii Wadada 21-ka October ee Degmada Waaberi qarax lagu weeraray gaari uu leeyahay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), inkastoo aanu xilligaa gaariga la socon.

Muqdisho waxaa muuqata inay ku soo badanayaan qaraxyada la dhigo hareeraha wadooyinka, ee markaasi lala eeganayo gaadiidka ay la socdaan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: