Wararka

MW Farmaajo ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda iyo xasilloonida iyo…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walaalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boggaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya horusocodka dalkeenna.

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taasna caddeyn inoogu filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamad, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare.” Ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan Kooxihii ka soo qeyb galay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo qaaday Koobka iyo Xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo mas’uuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12912 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: